Gudoomiye ku xigeeenka xagga Maamulka Iyo siyaasadda ee Gobolka shabeelada hoose Mudane Xassan Shiine ayaa maanta deeq daawa ah kala wareegay taliska AMISOM ee fadhigoodu yahay degmada marka.
Taliyaha ciidama AMISOM ee ee sectorka Buufoow ayaa deeqdaas kuwarwejiyey gudoomiye ku xigeenka Gobolka shabeelada hoose xagga maamulka iyo siyaasadda; deeqdaas oo ka koobneeyd daawooyinka noocyadooda kala duwan.
Mudane Xasan Shiine ayaa ayaa ka jeediyay khudbad mahad celin ah xafladii lagu wareejinayay deeqaas dawada ah; waxa uuna aad ugu mahadceliyay ciidama Amisom sida ay ula shaqeeyaan bulshada kudhaqan degmada marka iyo hareeraheeda. Xafladaas xilwareejinta ayaa ka dhacday cisbitaalka deegaanka Buufoow
waxaana kasoo qeybgalay waxgaradka, odayaasha iyo haweenka ku dhaqan buufoow. Gudoomiye ku xigeenka ayaa maalmahan waday dadaalo uu wax kaga qabanayo dhibaatada baahsan ee ka taagan gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan Degmada Marka iyo deegaanada ku teedsan. Isha wararka oo dhan. Muurinews.com