Bananbax aad u ballaaran oo looga soo horjeedo Siyaasada Liita Ee Madaxweyne shariif xasan Sheekh Aaden uu ku haayo gobolka shabeelaha ayaa maanta waxaa uu ka dhacay dalka Parliament square westminster london 3jx magalada london Ee Dalkan Uk.
Bananbaxaas oo ay soo abaabuleeen Jaaliyada gobolka shabeelaha hoose ee ku nool dalka UK ayaa si aad ah ugu soo horjeesteen cadaalad darada xoogan iyo Dhibaateynta shacabka Gobolka Shabellaha Hoose.
Dadkan ayaa waxay ku qaliyeen Hal ku dhigyo Lid ku ah Madaxweyne Shariif Sheekh Aadan
waa la yaqaana dadkii xasuuqa geystey,waxaan ayideynaa in cadaalada la horkeeno” ayey yirahdeen
waxaan u socona Nabad, waxaan u soconaa nabad galyo, waxaan ka xanaaqsan nahay dhibaatada lagu haayo dadkeeyaga oo ku dhaqan Gobolka Shabellaha Hoose, dadka G/Sh/Hoose dhibaatooyinka lagu haayo waan diidanahay” ayey ku hadaqeen.
Shariif Xasan Doonimeyno, ha dhaco hana dhaafo” ayey yirahdeen Mudaaharaadiyaashu.
Ugu dambeyntii waxay sheegeen in cabashooyin kooda ay gudbiyeen Madaxda Dalka Uk Gaar ahaan UKAID.
MUURINEWS.COM–UK
ISHA WARARKA OO–DHAN