Warar goordhaw naga soo gaaray ayaa sheegaya in ay Magaalada Marka xarunta gobolka shabeelaha hoose ay ku wajahanyihiin. Wafdi ballaaran oo heer wasiira ah oo ka socda dowlad gobleedka Koonfur Galbeed soomaaliya.
Wafdigan ayaa lafilayaa in ay magaalada Marka gaaraan saacadaha soo socda. Ujeedooyinka booqashada wafdigan ay lagu sheegayaa sida aan akhbaarta ku heleyno in ay warbixin dhameystiran ka keenaan saameyntii ay dagaalada ku yeesheen magaalada Marka iyo hareeraheeda.
Waxaa magaalada horay ugu sugnaa wafdi uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka xagga siyaasadda iyo maamulka Mudane Xassan Shiine iyo xildhibaano ka soo jeeda deeganka.
Wafdigan ayaa lafilaya in uu gudoomiye kuxigeenka ku soo dhaweeyo magaalada si ay indhahooda ugu arkaan xaalada dhabta ah ee kajirta magaalada marka waloow ay magaalada.
Booqashada wafdigan ayaa ku soo aadeyso iyadoo magaalada ay kabarakaceen intabadan dadkii deganaa wax ganacsi na uusan kajirin. Wixii warar ah ee ku soo kordha waxaad kala socon doontaan MUURINEWS.COM.