Warar goor dhaw naga soo gaaray gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan deegaanka Shalambood ayaa sheegaya in halkaasi ay dhibaato ka geysteen ciidan ku labisan dareyska ciidanka militariga soomaaliya.
Goobjooge ku sugan tuulada Buula Eelaay ee dhanka bari kaga beegan deegaanka shalambood ayaa inoo xaqiijiyay in halkaasi lagu gubay 2Guri oo ay lahaayeen dad udhashay beesha Biimaal; balse goobjoogaha ayaa inoo xaqiijiyay in aysan dadna wax ku noqon guryahaa lagubay.
Goor hore ayeey ka barakaceen dadkii deganaa guryahaas lagubay; balse kaliyah qixid kaliyah looguma reebin ee waxaa lagubay guryihii ay ku noolaayeen.Goobjoogaha ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyay in ay ka danbeeyeen ciidanka dowladda ee salidhig kuleh deegaanka Shalambood balse u abaabulan qaab qabiil
Bil kahor ayeey ahyd markii gaboodfal noocaan ah ay ka geysteen isla Ciidamadan deegaanka Shalambood oo ay ku gubeen guryo iyo 7 caruur iyo ayeeyadood oo 70 jir ah.
Dowladda federaalka iyo Maamul goboleedka koonfurgalbeed ayaa indhaha ka laabanaya dhabaatada guracan ay geysanayaan ciidamada militariga ee qaab qabiil u abaabulan.
Dhacdadan ayaa sii fogeyneysa dadaaladii nabadeed ay maalamahn wadeen wafdigii ku sugnaa degmada marka uu hogaaminayay gudoomiye ku xigeenka xagga siyaasadda iyo Maamulka ee gobolka shabeelada hoose Mudane Xasan shiine?
MUURINEWS.COM–MUQDISHO
ISHA WARARKA OO–DHAN