Shir heer sare oo ay soo abaabuleen hayada FAO, Wasaarada Beeraha iyo Dowlad Gobaleedyada ayaa Maanta ka furmey Magaalada baydhabo , waxaa shirkaasi Furey Kusimaha Madaxweynaha koonfur galbeed ahna.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Maamul gobaleedka koonfur galbeed Cabduqaadir Shariif Sheequnaa , waxaa kaloo goob joog ahaa Madax kasocatey Midow Yurub Mr. Martino vinci iyadoo ay joogeen Madaxda ugu sareeysa Hayada Cuntada Beeraha ee Aduunka FAO oo Masuuliyiintooda kala ahaayeen Richard iyo Madaxa beeraha ee FAO Jan helsen , waxaa kaloo Goob joog ahaa mudanayaal kasocdey dowliga Talyaaniga iyo Deeq Bixiyaal