Wararka soo gaaraya warqabadka muurinews.com ayaa sheegaya in mas’uuliyiin katirsan dowladda ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay weerarkii lagu qaaday Hotel Ambassador Ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in ay ku dhinteen Xildhibaan Maxamud Maxamed Guure iyo Xildhibaan Cabdullahi Jaamac; waxaa sidoo kale asagoo dhaawac laga soo saaray isbiltaalka Xilshibaan Cabdi Xaashi.
Waxaa sidoo kale dhaawac ka soo gaaray weerarkaas gudoomiyaha maxkamadda gobolka Benaadir Garsoore Xaashi Cilmi Nuure. Goobaha caafimaadka ayaa lageeyay dhamaan dadkii waxyeelada ka soo gaartay weerarka naxdinta badan ee caawa lagu qaaday Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho.
Inta badan dhaawacyada ayaa waxaa lageeyay isbitaalka Madiina, waxa ay sidoo kale wararka sheegayaan in ay dhaawacyada buuxdhaafiyeen isbitaalka oo qaarkood ay jiifaan dhulka halkaana lagula tacaalayo.
Muurinews.com
muqdisho