wararka naga soo gaaraya degmada Marka ayaa sheegaya in wafdigii maalamahn ku sugnaa degmada ay manta la kulmi doonaan Odayaasha, Haweenka, Dhalinyarada, iyo Ururada Bulshada degmada Marka.
Masuuliyiinta manta lashiri doono waxgaradka degamda marka ayaa waxaa ka mid ah Wasiir Xuseen Cali Xaaji, gudoomiye ku xigeenka xagga siyaasadda iyo maamulka G/SHOOSE mudane Xassan Abuukar Jimcaale ( xassan shine), gudoomiyaha degmada Marka Xassan cumareey iyo weliba xildhiibano ka socdo koonfurgalbeed deegaankana kasoo jeeda.
Kullankaan ayaa waxa uu ka dhici doonaa xarunaa xerada AMISOM Ee xaafadda Ayuub sida aay inoo xaqiijiyeen masuuliyiin wafdiga ka mid ah. Waxyaabaha kullankaan looga hadli doono ayaa ugu muhiimsan xagga Amaanka, Dhaqaalaha oo saldhig u ah in lafuliyo dhamaan adeegyada guud ee degmada iyo weliba isu socodka shacabka degmada iyo deegaanada hoostaga.
Amisom iyo masuuliyiinta Degmada ayaa maalmahanba xiriir wadashaqeyn oo sareysa ka dhaxeeysay; waxaana lafilayaa in kullankaan uu ka soo baxo wax dan u ah dadka deegaanka isla markaana u horseedi doono xassilooni iyo nabad waarta.
Isha wararka oo dhan- muurinews.com
Muqdisho