Sidaan horay wararkeena ugu baahinay waxaa saakay maagalada Marka ka socday shir wadatashi ah oo u dhaxeeya dadka deegaanka iyo wafdigii ballaaranaa ee shalay gaaray degmada Marka.
Odayaasha, haweenka, dhaliyarada iyo dhamaan waxgaradka degmada Marka ayaa kaqeybqaatay kullanka wadatashiga oo ay ku qaabileen wafdiga kasocday koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale kullanka ka qeybgalay dhamaan masuuliyiinta koonfurgalbeed ee deegaanka ka soo jeeda sida aan horay wararkeena ugu sheegnay. Wafdigan ayaa sfcn udhageystay dhamaan dhibaatooyinka ay tabanayaan dadka deegaanka waxa ayna ballan qaadeen in ay kudadaali doonaan xallinta dhibaatooyinkaas.
Waxaa iyana qudbado kooban meesha ka jeediyay gudoomiyaha degmada Marka Xasan Cumareey, gudoomiye ku xigeenka xagga siyaasadda iyo maamulka SH/HOOSE mudane Xasan waxa ay labaduba raja ka muujiyeen in shacabka degmada Marka ay ku soomidoonaan nabad iyo amni buuxa.
Wafdiga dowlad goboleedka koonfurgalbeed ee maalmahanba ku sugnaa Degmada Marka ayaa wada dadaalo nabadeed oo ay ku doonayaan in ku xasiliyaan degmada Marka iyo deegaanada Hoosyimaada.
Isha wararka oo dhan.. muurinews. Com.