Wararka saakay naga soo gaaraya deegaanka Buushka oo xalay ka dhacay weerar waqti yar qaatay ayaa sheegaya in ay xaaladda saakay degantahay isla markaana aan ka jirin wax dhibaata ah . Goob jooge ku sugan barta uu xalay weerarka ka dhacay ayaaa warbxin dheeri ah naga siiyay sida ay wax u dhaaceen iyo sida xaalku yahy.
Goojoogahan ayaa inoo xaqiijiyay in lagu soo weeraray fariisin ay ciidanka Deegaanka ku lahaayeen Deegaanka Buushka Gaari CAARIB ah oo ay saarnaayeen dableey hubeysan oo aysan si dhab ah u xaqiijin Karin waxa ay ahaayeen, balse shakigu uu dhinacyabadanyahay.
Waxaa la xaqiijiyay in uu weerarka xalay geystay qasaaro dhimasho hal askari ah oo katirsan ciiidanka Deegaanka iyo hal dhaawac ah. Askariga Geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Allah u Naxriistee Gaashaanle CARUUNI oo ka mid ahaa saraakiisha Ciidamada daraawiishta koonfurgalbeed deegaankana ka soo jeeda; dhanka kale askariga dhaawacmay ayaa isaguna magaciisa lagu sheegay Allah caafiyee AXMED MUXIYIDIIN.
Waxaa sidoo kale gaaray deegaanka Buushka Ciidamo gurmad ah oo katagay degmada Lambar Konton; qoobjooogaha ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyay dawagal lagu sameeyay kooxihii Naflacaariga ahaa ee weerarka gaadma soo qaaday ay waayeen halka ay jaan iyo cirib dhigeen.
Waxaa saakay si buuxda deegaanka gacanta ugu haya ciidamada deegaanka, ganacsiga iyo isku socodka deegaankana si cadi ah ayuu u socdaa.
Isha wararka oo dhan-muurinews.com