Ciidan ka tirsan Millatariga Turkiga ayaa maanta wacdaro ka dhigay magaalada Muqdisho iyagoo kaalin muuqata ka qaatay sugida amaanka Madaxweynaha dalka Turkiga & Wafdigii la socday.
Ciidamadan oo gaarayey ku dhowaad boqol askari oo si gaar ah u tababaran ayaa shalay dayuurad gaar ah lagu keenay Muqdisho, iyadoo maantana dayuurad milateri oo Turkiga laga leeyahay ay u keentay gaadiidka Gaashaaman.
Intii Madaxweyne Erdogan iyo wafdigiisa ay dhexmarayeen wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa amaankiisa sugayey ciidanka uu watay ee gaadiidka gaashamaan ku hubeysnaa.
Ciidamada AMISOM ayaan qeyb ka noqon ciidamada sugaya amaanka Madaxweynaha Turkiga, iyadoo ciidamada dowlada Somalia ay ilaalo xoogan ka hayeen hareeraha wadooyinka wafdigan uu marayey.