Wararka saakay naga soo gaaraya degmada Marka ayaa sheegaya in uu ka socdo qabanqaabada kullan ka dhici doona xerada AMISOM.
Kullankaan ayaa la isaga horkeeni doonaa sida aan wararka ku heleeyno odayaaal matalaya beesha xaq udirirka ee degmada Marka degan iyo beesha xaqdarro u dirirka aan wax taariikh ah ku lahayn degmada iyo deegaanada hoostaga.
Waxaa aad u yar rajada laga qabo in ay natiija laguwada farxo ka soo baxdo maadaama horay ay u dhaceen kulamo kuwan la mid ah wax natiijana aan laga gaarin.
Dhanka kale, wafdigan ayaa raja weyn ka muujinaya in ay ka soo bixi doonaan natiija u horseedi karta amni iyo xassilooni ka dhalata degmada Marka iyo deegaanada hoostaga.
MUURINEWS.COM—-MARKA
ISHA WARARKA OO–DHAN