Gudoomiye ku xigeenka xagga siyaasadda iyo maamulka ee gobolka SH/HOOSE Mudane Xassan Abuukar Jimcaale(xasan shiine) iyo wafdigii ka socday Maamulka Konfur Galbeed ayaa maanta la kulmay haweenka, ururada bulshada rayidka iyo dhamaan waxgaradka degmada marka.
Kullankaas ayaa gudoomiyaha iyo wafdiga waxey lawadaagay shacabka degmada Marka aragtida iyo dadaalada nabadeed ay maalamahnba ka wadeen degmada Marka iyo deegaanada hoostaga.
Mudane hassan Shiine ayaa u jeediyay hadalo dhinacyo badan taabanaya waxa uuna ku guubaabiyay in ay nabadda ka shaqeeyaan isla markaana ku garab istaagaan howlaha asiga iyo wafdiga lasocda ay ka kawadaan degmada Marka.
Dhanka kale, haweenka iyo ururada bulshada rayidka ayaa dhankooda muujiyay sida ay ugu hamuun qabaan nabad waarta oo kadhalata degmada marka,
waxa ay sidoo kale taageero u muujiyeen wafdigooda una ballan qaadeen in ay ku garab istaagi doonan dadaalada nabadeed asiga iyo wafdigiisaba ka wadaan degmada Marka iyo deegaanada hoostaga.
Ugu danbeeyntii kullanka ayaa ku soo dhamaaday jawi farxadeed; gudoomiye ku xigeenka ayaa uga mahad celiyay ururada bulshada howsha ay shacabka uhayaaan iyo sidii wanaagsaneyd ay kullanka uga soo qeybqaateen.
MUURINEWS.COM—MARKA
ISHA WARARKA OO–DHAN