Kooxda al shabaab ayaa shaaciyay magaca & wareysi laga qaaday Bishaar Cumar Aadan oo kooxda al shabaab u yaqaanan (Abuu Layth) kaasoo ahaa ninkii isku qarxiyay hotel Ambassador.
Kooxda Al shabaab ayaa Baraha wararka ay ku shaaciyaan waxaa ay ku sheegeen Bishaar Cumar Aadan in uu wax badan kooxdaasi usoo dagaalamay kana qeyb qaatay dagaalo shabaab ay la galeyn Dowlada Somalia & Ciidana Ajinabiga ah ee taageeraya.
Ugu dambeyn maalintii arbacada ee taariikhdu ku beegneed 1,June 2016 ayuu noloshiisa kusoo gaba gabeeyay weerarkii dadka badan lagu laayay ee ka dhacay Hoteelka Ambaasadoor magaalada Muqdisho.
idaacada al shabaab ayaa wareysi dar-daaran ah ka qaaday ka hor inta uusan isqarxin Bishaar Cumar Aadan kaasoo isku qarxiyay hotel Ambaasadoor.
MUURINEWS.COM—-MUQDISHO