Wararka laga helayo Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Sh,Hoose ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan maanta halkaasi ay ku dileen Ruux oo ka mid ah Shacabka ku dhaqan gudaha Magaalada Marka.
Degmada Marka oo maalmahanba ay ka socdeen qalalaaso dhowr ah kuwaa ay sababtoda lahayd maleshiyo beeleed ku sugan Marka iyagoona dilal is daba joog ah ka geysanayay degmada.
Waxa Maanta Magaalada Marka Dhexdeeda Lagu Toogtay Jeylaani Xuseen Maclin oo ahaa iska Xamaalato Ka shaqeysan Jiray Degmada Marka oo loo Dilay Aano Qabiil.
Waxaa Maalmahan Danbe Sii Siyaaday Dilalka Ay Geesanayaan Maleshiyo beeleedka Hawar Gidir oo Xooga Ku Haysta Magaalada Marka.
Mana jiro Cid ka Hadashay ama War ka soo Saartay Dhibka Maanta ka Dhacay Magaalada Marka,
Muuri News shabellaha Hoose DEGMADA Marka