Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa dhamaan Ciidamada Amaanka Maamulka Koonfur Galbeed ku amray in ay sugaan amniga Magaalada Baydhabo oo 20-bishaan lagu qaban doono dhameystirka shirka loogu hadlaayo Hanaanka Doorashooyinka.
Madaxweyne Shariif Xasan oo warbaahinta kula Hadlay Magaalada Baydhabo kadib markii uu kasoo Laabtay dalka Dibadiisa ayaa sheegay In dhamaan Ciidamada amaanka Koonfur Galbeed loogu baahan yahay in ay ka qeyb qaatan sugida Amniga ,Madaama ay Magaalada Marti galinayso dhawaan shirka loogu hadlaayo Doorashooyinka.
Madasha Wadashiga Qaran ee Doorashooynka Soomaliya Warmurtiyeed ay soo saareen Shalay ayay ku sheegeen in 20-Bishaan June in Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay Lagu qaban doono Dhameystirka Shirka Loogu hadlaayo Hanaanka Doorashooyinka Soomaliya ka dhacaya Sanadkaan 2016-ka.
MUURINEWS.COM—BAYDHABO
ISHA WARARKA—- BAYDHABO