Waxaa howlo shaqo dib ugu soo laabtay degmada afgooye iyo caasimadda Muqdisho, gudoomiye ku xigeeenka gobolka shabeelaha hoose Mudane Xassan Abuukar Jimcaale (xassan shiine).
Gudoomiye ku xigeenka ayaa la filayaa in uu shir kula qaato degmada afgooye wasiiro katirsan dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya iyo Taliye ku xigeeenka nabad sugidda gobolka Mudane axmed ali Adeereey.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka iyo taliyaha nabad sugidda ayaa lagu wadaa in isbuucaaan gudihiiisa lagu wareejiyo ciidamo aad u tira badan islamarkaana agaabkooduna u dhameystiran.
Ciidamadaas oo kasoo jeeda dadka deeganka gobolka shabellaha hoose, tiradooduna lagu qiyaaasay 200 oo askari ayaa lagu wadaa in ay lawareeegaan degmada Marka iyo deegaanada hoostaga.
Gobolka Shabellaha hoose ayaanan nasiib u yeelan in ay si buuxda u maamulaan ciidamo kasoo jeeda dadka deegaanka. Ciidamadan ayaana lagu bilaabi doonaa iyagoona lawareegi doona amniga magaalada narka.
MUURINEWS.COM BAYDHABO
ISHA WARARKA OO–DHAN