Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa xaqiijiyay in 5 ka mid ah Ciidamada Nabad Ilaalinta u jooga Dalka Soomaaliya la xiray kadib markii lagu qabtay ama lagu helay iyagoo iibinaya agabka iyo Shidaalka AMISOM.
Howlgalka lagu qabtay Ciidamadan oo ka dhacay garaash ku yaalla Nawaaxiga Isgooyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska AMISOM.
Bayaankan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in AMISOM ay heysay macluumaad ku aadan in Ciidamo kuweed ahi ay ku lug leeyihiin iibinta Shidaalka iyo Agabka kale ee loogu talagalay Xoogaga AMISOM.
Taliska AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in aysan u dulqaadan doonin wax walba oo anshax-xumo ka dhex abuuri kar howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Taliska ayaa sidoo kale waxuu tilmaamay in talaabo laga qaadi doono Ciidamadan lagu helay iibinta Shidaalka iyo Jawaanda difaaca laga sameysto oo loogu talagalay howlgalka AMISOM.
Howlgalka AMISOM ayaa Ciidamada qeybta ka ah waxaa lagu qiyaasaa 22,000 kuwaasi oo u jooga Soomaaliya in Dowladda Federaalka ay ka taageeraan dib u soo celinta Nabadii iyo Xasiloonidii ka jirtay Dalka Soomaaliya.
MUURINEWS.COM—- MUQDISHO