Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa gaadiid fara badan ku wareejisay maamulka Koonfur Galbeed ee xaruntiisa tahay magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha maamulka k/Galbeed Shariif Xasan ayaa gaadiidka ka gudoomay Sariirka Imaaraatka Carabta xili gaadiidkaasi lagu soo bandhigay dekedda magaalada Muqdisho.
Gaadiidaan oo tiradooda ahayd 12 gaari oo isugu jiro gaadiid dagaal iyo Land Cruisers ayaa looga cabsi qabaa in lagu iibiyo ama lagu kala qaybsado magaalada Muqdisho maadaama maamulka K/Galbeed uusan daacad ka ahayn inuu ugu adeego shacabka K/Galbeed.