Waxaa shalay kullan fashil ku soo dhamaaday wada qaatay Madaxweynaha Mamulka koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo kooxo shegta siyaasiyiin iyo odayaal anan aqoonin danahooda gaarka ah.
Iyagoo awalba kooxdan shaqadooda ay sidaasi aheyd, ayaa hadana waxey bilaabeen in ay inkiraan Suldaanka Guud ee Beesha Biimaal Suldaan Ibraahim Cali Xaaji .
kooxdan Cusub oo shaqo ka dhigtay in mar walbo Beesha Biimaal ay ku mashquuliyaan Mashruuc markaasi ay is leeyihiin danahiina gaarka ah ayaad ku fushan kartaan.
Kullankaas oo ka dhacay guri ku yaalla agagaarka madaxtooyada Villa Soomaaliya uu ka daganyahay Madaxweynaha koonfur galbeed Soomaaliya ayaanan u suura gelin kooxahaas danaha qaaska leh in ay ka dhaadhiciyaan Madaxweynaha jiritaanka Suldaanka ay gacanta ku soo dhoodhoobeen
Madaxweynaha oo ka degdegsanaa kullan uu lalahaa safiirka Imaaraadka Carabta ayaa ugu jawaabay kooxahaas in Suldaanka kaliyah uu aqoonsanyahay Muddo badan ay isla soo shaqeeyeen uu yahay Suldaan Ibraahim Cali Xaaji wixii kaloo ka soo harana uusan marnaba aqbali doonin.
Waxaa kale uu u cadeeyay in hogaanka siyaasadda dhaqanka beesha Biimaal ay u aqoonsanyihiin ka koonfur galbeed ahaan iyo dowlad dhexeba in uu yahay Suldaan Ibraahim Suldaan Cali Xaaji.
Maamlmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa soo baxayay kooxo shegata siyaasiyiin iyo odayaaal ka soo jeeda beesha Biimaal; isla markaana doonaya in ay meelmarsadaan danahooda gaar ka ah iyagoo doonaya in ay caleema saaraan suldaan cusub kuna ciyaaraan dhaqankii soo jireenka ahaa ee Beelweynta Biimaal.
Fashilka kullankaas kadib ayaa kala tagay kooxihihii ujeedkooda ku fashilmay iyagoo midba midka kale eedda saaraya, fartana isku fiiqaya.
Kooxahaasi ayaa sidoo kake horay iskugu dayay in ay degmada Lambar Konton ku caleema saaraan madaxweynihii hore ee udubland kaas oo ku fashilmay hogaaminta dowlad goboleedkaas Ibraahim C/llahi Cadow.
Kooxahan ayaa horey Fowdo ugu soo abuuray Halgankii ka socday Gobolka Shabeelada hoose, waxaana hada ay usoo jeesteen dhaqanka soo Jireenka ah ee Beesha Biimaal.
LAKA SOCO WARAR SUGAN MUURINEWS.COM