Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa weerar aad u culus oo Abaaro Salaaddii Subax ay Al Shabaab ku qaadeen Saldhigyo Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Ethiopia ay ku leeyihiin deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Weerarka oo ahaa mid u cuslaa ayaa sida ilo deegaanka ah ay xaqiijiyeen waxa uu ku bilowday Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Irida hore Xero ay degan yihiin Ciidamada Ethiopia waxaa markii uu dhacay Ciidamada Ethiopia ay caawinaad ka heleen Diyaarado kuwa dagaalka ah.
Dhinacyada dagaalamay ayaa guulo ka kala sheegtay weerarka oo dagaal fool ka fool ah uu ka dhashay.
Afhayeenka dhinaca howlgallada Al Shabaab Sheekh Cabdicasii Abuu Muscab oo u warramay Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in 60 Askari oo Ethiopian ah ay ku dileen weerarkooda iyagana looga dilay weerarka 16 dagaalyahanadooda weerarka qaaday ka mid ahaa.
Dhinaciisa Wasiirka Isgaarsiinta Dowladda Ethiopia Getachew Reda oo isna u warramay Telefishinka CNN-ka ayaa sheegay in Al Shabaab weerarka ay ku soo qaadeen Saldhiga Ciidamada ay ku leeyihiin deegaanka Halgan ay ku fashilmeen sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in ay gaarsiiyeen Dagaalyahanada Al Shabaab khasaaro ba’an isagoo carabka ku adkeeyay in 101 Dagaalyahan ay ka dileen ayna ka furteen Hub fara badan oo Madaafiicda goobta ay ka mid yihiin.
Sidoo kale Guddoomiyaha deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan Guhaad Cabdi Warsame oo aan isna qadka Taleefanka kula xiriirnay si aan wax uga weydiinayo saameynta weerarkaasi iyo illaa iyo iminka khasaaraha la hayo ee Rayidka iyo labada dhinac soo kala gaaray ayaa tilmaamay in Al Shabaab weerarkaas khasaaro xoogan ay kala kulmeen sida uu yiri.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in isaga inta uu hubo illa 197 dagaalyahan ay uga dhinteen Al Shabaab dagaallo ay deegaanka Halgan saaka kula galeen Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Ethiopia waa sida uu hadalka u dhigaye.
Isagoo khasaraha rayidka halkaas wax ku noqdayna ku sheegay dhimashada 1 qof iyo dhaawaca 9 kale.
ilo Madax Banaan oo aan kala xariirnay deegaanka ayaa xaqiijiyeen dhimashada rayidka in illaa 6 qof ay gaarayaan.
Dhankooda Taliska Ciidamada AMISOM oo war kooban ka soo saaray dagaalkaasi ka dhacay deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa uu sheegay in Al Shaabaab xarun ay Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Halgan ay isku dayeen in ay weeraraan balse iska caabin xoogan ay kala kulmeen Ciidamadii ku sugnaa Saldhigaas.
Hase ahaatee AMISOM ayaa ka gaabsatay in ay faah faahin ka bixiso khasaraha dagaalkaasi.
Weerarka saaka lagu qaaday Saldhigyada Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Ethiopia ay ku leeyihiin deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa qaab ahaan u muuqday sida weeraro horay Al Shabaab ay ugu qaadeen Ciidamada ka kala socda dalalka Burundi , Uganda iyo Kenya balse waxa uu uga duwanaa in Al Shabaab weerarkaan ay ku sheegteen khasaaro dhankooda ka soo gaaray.
KALA SOCO WARAR SUGAN MUURINEWS.COM