Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa maanta Kulan ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbadda Hoose waxaa ay ku meelmariyeen Golaha Wasiiradda Cusub ee dhawaan uu soo Magacaabay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Xildhibaanada Jubbalad ee Maanta Kulanka soo xaadiray ayaa gaarayay ilaa 58 Mudane waxaana 53 Ka mid ah ay Ogolaadeen Wasiiradda Cusub ee Jubbaland in ay Ansax yihiin.
Axmed Madoobe ayaa dhawaan Magacaabay 17 Wasiir iyo Kuxigeenadooda,iyadoo uu gadaal uga daray Hal Wasiir oo ah Wasiirka Wasaaradda Haweenka.