Koox Hubeysan ayaa Degmada Warta-nabadda ku dilay Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Waaxda Genaraal Daa’uud ee Degmada Warta-Nabada oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Jimcaale.
Kooxda Dilka Geysatay ayaa goobta iskaga baxsaday sida ay noo sheegeen Dad Goobjoogeyaal ah.
Dilka ka dib ayaa Goobta uu Dilku ka dhacay waxaa Gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo baaritaano halkaa ka sameeyay.
Ma jirto Cid ay Falkasi Dilka ah u soo qabteen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee tagay Goobta lagu dilay Marxuun Maxamed Jimcaale Guddoomiyihii Waaxda Genaraal Daa’uud.
KALA SOCO WARAR SUGAN MUURINEWS.COM