In ka badan 300 oo wariyaal ah kana socday wadamo dhoor ah ayaa banaanbax balaaran waxeey ka dhigeen gudaha dalka Faransiiska kuwaas oo watay sawirada Allaha u naxariistee Wariye Sagal Salaad Cusmaan oo dhawaan lagu dilay magaalada Muqdisho .
Banaanbaxaan ayaa ka dhacay magaalada Angers ee dalka Faransiiska waxeeyna Saxaafiyintii ka soo qeeyb gashay socod dheer ku soo mareen wadooyin fara badan kuwaas oo muujiyay sida ay uga xun yihiin dilka wuxuushnimada ah ee loo geystay Marxuumad Wariye Sagal Salaad Cusmaan .