Dowladda Emirate-ka Carabta, ayaa gaadiid kala duwan waxa ay ku wareejiay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Danjiraha dowladda Emirateka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Othman Al Hammadi, ayaa Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ku wareejiyay furayaasha 11-gaadiid oo loogu tala galay maamulkiisa.
Gaadiidka lagu wareejiyay Maamulka Koonfur Galbeed ayaa isugu jiray gaadiidka nuuca aysan xabaduhu karin, Booyad iyo gaadiidka Ciidanka , waxaana deeqdan ay tahay mid Imaaraatka ku taageerayaan Maamulka Koonfur Galbeed.
Danjiraha dowladda Emirateka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Othman Al Hammadi, ayaa sheegay in Dowladiisa ay taageero siineyso Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulada dalka ka jira ee Dowlada hoostaga.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasaan Sheekh Aadan , oo ka hadlay munaasabada uu gaadiidkan kula wareegay ayaa uga mahad celiyay Dowlada Imaaraatka deeqdan ay ku taageertay maamulkiisa, waxa uuna Sheegay in Imaaratka ay mar walbo taageero u hayaan shacabka iyo Dowlada Soomaaliya.
Dowlada Imaaraatka carabta ayaa horey gaadiid kala duwan ay ku jiraan kuwa ciidanka iyo kuwa aysan rasaastu karin waxa ay ugu deeqeen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah Maamulada dalka ka jira.