Ciidamada Itoobiya ayaa ku degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan meydadka dagaalyahanadii ay ka laayeen Al-Shabaabkii saaka waaberigii soo weeraray saldhig ay degaankaas ku lahaayeen.
Sidoo kale waxaa la soo bandhigay qoryo iyo hub kale oo ciidamada Itoobiya ay sheegeen iney ka furteen xoogagii soo weeraray.
Dowlada Somalia iyo taliska AMISOM ayaa sheegay in weerarkaas la fashiliyey, lagana dilay Al-shabaab dagaalyahano ka badan 200 oo ka mid ahaa xoogagii weeraray saldhiga ciidanka Itoobiya ee Halgan.