Kamaalu-diin Mustaf oo ah ku xigeenka safiirka dowladda Itoobiya ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Itoobiya dhowaan ay soo badnhigi doonto khasaarihii ka dhashay weerarkii lagu qaaday ciidamada Itoobiya oo fariisin ku lahaa deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.
Kamaalu-diin Mustaf ayaa sheega in ciidanka Itoobiya ay khasaare Lixaad leh gaarsiiyeen ururka Al-shabaab kadib weerarkii shalay aroortii ku soo qaadeen deegaanka Halgan halkaasi oo xero ciidan ay ku lahaayeen ciidamada Itoobiya.
Waxa uu sheegay in ciidanka Itoobiya ay qabteen Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab iyo Hubkooda, isagoo sidoo kale sheegay in dhowaan saxaafada ay u soo badnhigi doonaan.Al-shabaab ay dhankooda waxa ay sheegeen in khasaare Lixaad leh ay gaarsiiyeen ciidanka Itoobiya oo ay ka dileen 60 Askari.