Saraakiil ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa maanta gaaray degaanka Halgan oo qiyaastii 50-Km u jira magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.
Ujeedada socdaalkan ayaa ahaa sidii loo soo ogaan lahaa xaqiiqada Qasaaraha ka dhashay weerarkii Al-shabaab ku qaadeen shalay saldhigga Ciidamada AMISOM ee degaanka Halgan.
Taliyaha Ciidamada Ethobia Col. Ayenom Mesfin, ayaa faahfaahin ka bixiyay sida uu ku billowday dagaalkii habeen ka hore ay Shabaab ku soo qaadeen Saldhigooda.
“Afar jiho ayey naga soo weerareen Al-Shabaab, cadowga afarta jiho ee naga soo weeraray waad aragteen waxa khasaaro ka soo gaaray, qiyaastii 400 Shabaab ayaa soo weerartay aad bay isu soo abaabuleen balse way ku jabeen, dagaalka wuxuu bilowday waaberigii 05:00Am aroornimo, wuxuuna dhammaaday 09:00Am subaxnimo” ayuu yiri. Col Ayenom.
Afhayeenka AMISOM, Joe Kibet ayaa sheegay in xoogaga Al-Shabaab aysan saldhiga ciidanka ku soo dhawaan.
“Galabta waxa aanu joognaa saldhiga AMISOM ee Halgan oo ay Al-Shabaab soo weerartay, waxaan la jiraa taliyayaasha Ciidanka AMISOM qaytooda Itoobiya oo hawl-galkan fuliyey, waxa Shabaabku ku soo wareereen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey, waxaa lagu qarxiyey meel u jirta 200 mitir u jirta saldhiga, kuma soo dhaweyn difaacyadeena” ayuu yiri Afhayeenka AMISOM, Joe Kibet.