Diyaarad kuwa aan duuliyaha aan laheyn ee loo yaqaano (Dron) ayaa kusoo dhacday degmo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur dalka Soomaliyeed.
Degmada Goobaalle ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la sheegay In diyaaradaan ay kusoo dhacday waxaa ka arrimiya Maamulka Xarakada Al-shabaab.
Warbaahinada Al-shabaab wararka u baahiya war lagu qoray ayaa lagu sheegay in diyaaradaan ay wax u basaaseesay Dowlada Mareykanka islamarkaana ay kusoo dhacday Degmada Goobaalle ee Gobolka Shabeelaha Hoose haatana ay goobta gaareen Mas’uuliyiin ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.
Qalab diyaarada soo dhacday ku xirnaa oo Camero ay kamid yihiin ayaa la sheegay in ay la wareegeen Maamulka Xarakada Al-shabaab ee Degmada Goobaalle ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana ilaa haatan aan jirin dowlad si rasmi ah u sheegtay in ay leedahay Diyaaradaan.
Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa maalmihii dambe duqeymo ka fulinayay Diyaaradaha Dowlada Mareykanka.