Kulan ay kasoo qeyb galeen madax ka socota Midowga Afrika, AMISOM iyo xubno kale oo looga hadlayay sidii dumarka loogu dhiirigelin lahaa ka qeyb-qaadashada doorashada soo socota ayaa waxa uu ka dhacay degmada Waaberi ee gonolka Banaadir.
Kulankan oo ka dhacay xarunta degmada Waaberi ayaa waxaa isugu yimid haween badan kuwaas oo khudbado iyo warbixinno ku aadan doorashada 2016 ka dhageystay madaxa gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Lydia Wanyoto.
Dumarkan ayaa loo qeybiyay funaanado iyo koofiyado ay ku buufsan yihiin qoraallo loogu dhiirgelinayo in ay ka qeybqaataan doorashada.