Golaha Wasiirada cusub ee Maamulka Jubbaland ayaa kulankoodii ugu horeeyay waxa ay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada Maamulka Jubbaland waxaan ajeedka kulankan uu ahaa isbarasho iyo sidii loo dar dar galin lahaa howlaha adag ee horyaala Wasiirada Jubbaland.
Kulanka Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland waxaa goob joog ka ahaa Madaxda Maamulkaasi, kuwaa oo kula dar daarmay Wasiirada Cusub in ay la yimaadaan wax qabad muuqda una diyaar garoobaan wax ka qabashada waajibaadka loo igmaday.
Wasiirada ayaa balan qaaday in ay la imaan doonaan wax qabad muuqda una adeegi doonaan bulshada ay matalaan ee ku dhaqan deegaanada Maamulka Jubbaland, waxa ayna shacabka ka dalbadeen in dhankooda la shaqeeyaan.
Baarlamaanka maamulka Jubbland ayaa dhawaan meel mariyay Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Maamulkaasi Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)