Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshada Ee Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliy Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa si caro leh wax uu ugu hadlay dagaal maanta ka dhacey Magaalada Baydhab Ee Xarunta Gobolka Bay isla markaana warbaahinta ay tabisey in uu dhexeeyey labo beeloood.
Wasaaraddu waxay sheegtay inuu jiro Dagaal dhexmarey labo Ciidan oo kawada tirsan Koonfur Galbeed Sooomaaliya kuwaaasoo ay sheegtay inay isku qabsadeen dhul.
Maxaa diidey inaad qortaan ciidamo kawada tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dagaalmey Baydhabo, waa jirtaa inuu ku dhinteen dagaalkaas 11 qof, hase ahaatee waxa haboon inaad ilaalisaan sharciga saxaafadda” ayuu yiri wasiirka oo goodhow la hadlay warbaahinta.
Wasiirka ayaa sheegay warbaahinta waa iney dadka u soo gudbiso warar dhab ah dhacdooyin xiiso leh oo xaqiiqda ku saleysan kuwaasoo ka dhaca dalka gudahiisa iyo dibadiisa ayaa waxay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Koonfur galbeed Soomaaliya u arkeen mid ka waceetey arintaas.