Waxaan maanta halkan idinkugu soo gudbineynaa warbixin ku saabsan lacagaha ay mushahar ahaanta u qaataan qaar ka mid ah madaxda dalalka ugu awooda badan caalamka iyo kuwa dhaqaale ahaan horumaray waxayna kala yihiin sidatan:-
1-Madaxweynaha Shiinaha waxaa uu bil walba mushahar ahaan u qaataa lacag gaareysa $220,000 (Labo boqol iyo labaatan kun oo Dollar)
2-Madaxweynaha Brazil haweeneyda lagu magacaabo DILMA ROUSSEFF waxay bil walba mushahar ahaan u qaadataa lacag gaareysa $120,000 (Boqol iyo labaatan kun oo dollar)
3-VLADIMIR PUTIN oo ah Madaxweynaha Ruushka waxaa uu bil walba mushahar ahaan u qaataa lacag gaareysa $136,000 (Boqol soddon iyo lix kun oo dollar).
4- SHINZO ABE oo ah Raisul wasaaraha Japan waxaa uu bil walba mushahar ahaan u qaataa lacag gaareysa $ 202,700 (Labo boqol, labo kun iyo todoba boqol oo Dollar)
5- JACOB ZUMA oo ah Madaxweynaha dalka koonfur Afrika waxaa uu bil walba mushahar ahaan u qaataa lacag gaareysa $223,500 (Labo boqol labaatan iyo sadex kun iyo shan boqol oo dollar) waa Madaxweynaha ugu mushaharka badan Afrika.
6-BARACK OBAMA Madaxweynaha Maraykanka waxaa uu bil walba mushahar ahaan u qaataa lacag gaareysa $400,000 (Afar boqol oo kun oo dollar).
7-Raisul wasaaraha dowlada Canada waxaa uu bil walba mushahar ahaan u qaataa lacag gaareysa $260,000 (Labo boqol iyo lixdan kun oo dollar).
8-NARENDRA MODI oo ah raisul wasaaraha India waxaa uu bil walba mushahar ahaan u qaataa lacag gaareysa $30,300 (Soddon kun iyo sadex boqol oo dollar)
9- ANGELA MERKEL oo ah Chancelorka Jarmalka waxay bil walba mushahar ahaan u qaadataa lacag gaareysa $234,400 (Labo boqol soddon iyo afar kun iyo afar boqol oo Dollar.
9- LEE HSIEN LOONG, oo ah raisul wasaaraha dalka Singapore waxaa uu bil walba mushahar ahaan u qaataa lacag gaareysa $1,700,000 (hal milyan iyo todobada boqol oo kun oo dollar) waa raisul wasaaraha ugu mushaharka badan adduunka.
10- DAVID CAMERON raisul wasaaraha Ingiriiska waxaa uu bil walba mushahar ahaan u qaataa lacag gaareysa $214,800 (Labo boqol toban iyo afar kun iyo sideed boqol oo Dollar)
11- FRANCOIS HOLLANDE, madaxweynaha Faransiiska waxaa uu bil walba mushahar ahaan u qaataa lacag gaareysa $194,300 (Boqol sagaashan iyo afar kun iyo sadex boqol oo dollar)
12- Raisul wasaaraha Talyaaniga waxaa uu bil walba mushahar ahaan u qaataa lacag gaareysa $124,600 (boqol labaatan iyo afar kun iyo lix boqol oo Dollar).