Wafdigii maalmahanba ku sugnaa caasimadda dowlad goboleedka Jubbaland ee kismaayo ayaa maanta waxaa kullan soo dhaweyn ah ugu sameeyay Magaalada Kismaayo odayaasha iyo dhamaan waxgaradka Beesha Biimaal ee ku sugan magaalada kismaayo.
Wafdiga iyo odayaasha ayaa kawada hadlay arimo badan oo ay ugu horeyso sida loo wajahayo siyaasadda 2016ka iyo sidii beesha Biimaal ay uga qeybqaadanlahyd door lixaad leh oo ay raali kawada yihiin shacabka beesha ee ku dhaqan deegaanada Jubbaland.
Shacabka Beesha Biimaal ee ku dhaqan Jubbaland ayaanan nasiib u yeelan tan iyo burburkii in ay la kulmaan siyaasiyiin ku matala beesha dowladda federaalka soomaaliya; waana markii ugu horeesay ay kulmaan.
Sidoo kale odayaasha ayaa soo dhaweeyay wadatashiga ay siyaasiyiinta beesha wadaan; waxa ayna muujiyeen sida ay ugu hamuun qabaan in ay helaan siyaasiyiin ay kawada shaqeeyaan danaha beesha ee Jubbaland.
Dhanka kale, wasiiradda iyo xildhibaanada ayaa uga xog waramay odayaasha, wadahadaladii dhexmaray iyaga iyo madaxweynaha Jubbaland, iyo sidoo kale qorsha ku aadan sida ay beesha ugu soo xulan lahyd xildhibaanadeeda caasimadda Jubbaland ee kismaayo.
Kullanka dhexmaray wafdiga wasiirada iyo odayaasha beesha Biimaal ee jubooyinka ayaa yimid iyadoo ay magaalada kismaayo xaafadaheeda ku dhuumaaleesanayaan wafdi mucaaarad ah sidaan shalay wararkeena kubaahinay.
Wafdiga wasiirada ayaana ku booriyay odayaasha Beesha Biimaal ee jubooyinka in ay ka hortagaan kooxdaas mucaaradka ayna gees ka soo raacaan danaha guud ee Beesha Biimaal.
Ayna iska iloobaan danaha kudhisan shaqsiga ama danaha gaar ee aanan mustaqbal fiican u hurseedeyn guud ahaan Beesha Biimaal.
MUURINEWS.COM—-KISMAAYO