Wararka ka imaanaya Degaanka Gololeey ee Hoosnataga Degmada Jowhar ee Xarun Goboleedka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Xalay Afar Qof oo Rayid ah lagu dilay Degaankaasi islamarkaana lagu dhaawacay ilaa 5 kale.
Dadka la dilay ayaa waxaa ku jira Qof Dumar ah sida ay noo Xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degaankaasi.
Dilka ayaa la sheegayin ay Geysteen Koox Hubeysan oo ilaa hadda aan Heybtooda la garan.
Warar aan la Xaqiijin ayaa sheegaya in Dilka ka dhacay Degaanka Gololeey uu Salka ku hayo Aano Qabiil,balse aysan weli kala Cadeyn Cida Dilka Geysatay waxa ay yihiin.
Maamulka Gobolka Shabellaha dhexe weli kama hadlin Dilka loo geystay Dadka Rayidka ah ee ka dhacay Degaanka Gololeey Gobolka Shabellaha Dhexe.
ISHA KU HAAY MUURINEWS.COM