Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, waxaa maanta lagu dhaariyay Madaxweyne ku xigeenada Maamulka Jubbaland iyo xubnaha Golaha Wasiirada maamulkaasi.
Munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta madaxtooyada Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu dhaariyay Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland oo ka kooban Wasiirada iyo Wasiir ku xigeenada.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Sheekh Cabdi C/raxmaan ayaa dhaariyay Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Madaxweyne ku xigeenada Jubbaland.
Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay inaysan dhaarta aheyn wax sahlan oo qofka uu isaga dhaaranaayo isaga oo aanan shaqada uu ku dhaartay uusan ka dhabaneyn.
Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa madasha ka sheegay inay la imaan doonaan wax qabad muuqda oo ku aadan shaqada loo dhaariyay.
15-kii bishii May ayaa wareegto ka soo baxaday xafiiska Madaxweyanaha Jubbaland Axmed maxamed Islaam waxa uu ku magacaabay Madaxweyne ku xigeenada Jubbaland, isagoo 18-kii isla bishaasi magacaabay wasiirada iyo kuxigeenada.