Wararka aan ka heleyno Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Soomaaliya ay ku qabteen Diyaarad Sidday Raashin Dhacay.
Diyaaradda ayaa la sheegay in Raashinka dhacay ay u waday Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo sida ay noo Xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Waaxda Socdaalka.
Wararka ayaa sheegaya in Raashinkaasi ay laheyd Hay’adda Cunada Adduunka Ee WFP.
Saraakiisha Ciidanka Booliska weli wax Faah-faahin ah kama bixin Diyaaradda Sidday Raashinka dhacay ee lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
MUURINEWS.COM—MUQDISHO