Xafiiska muurinews. Com qeybtiisa kampala ayaa waxa uu wareysi layeeshay Suldaanka Beesha Biimaal Suldaan Ibraahim Cali Xaaji. Suldaanka ayaa wareysigan wuxuu kaga hadlay arima dhowr ah oo quseeya siyaasadda soomaaliya.
Mar uu kajawaabayay Suldaanka rajada uu ka qabo in xasilooni iyo nabad waarta ay helaan shacabka shabeelada hoose ayaa wuxuu raja weyn kamuujiyay in mardhaw dadaalada ay wadaan u horseedi doonaan nabad iyo xasilooni.
Suldaanka ayaa sidoo kale kahadlay qaabka iyo halka ay Beesha Direedku soo xullan doonaan 61da Xildhibaan ee u matalaya Baarlamaanka 2016ka.
Ugu dambeyntii Suldaanka ayaa dardaaran iyo guuubaabo u jeediyay dhamaan shacabka uu Suldaanka u yahay waxa uuna ka codsaday in ay lashaqeeyaaan midnimana ay kuwada wajahaan xaaladaha siyaasadeed ee soo socda. Ahmed ali UGANDA-kampala
MUURINEWS.COM—UGANDA –KAMPALA
ISHA WARARKA —OO —DHAN