Gudoomiye k/xigeenka xagga maamulka iyo siyaasadda ee Gobolka shabeelaha hoose Mudane Xasan Shiine ayaa soo gebagabeeyay raashiin mucaawina ah uu saakay ka qeybinayay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka SH/HOOSE.
Degmooyin uu ka qeybiyay gudoomiyaha mucaawinadaas ayaa waxa ay kala yihiin; Muuri, No50, Ceelwareegoow, Raaxoole, Fidi muuwe. Intii ay socotay qeybinta mucaawinada ayaa waxaa gudoomiye ku xigeenka siddiirin u soo dhaweeyay gudoomiyayaasha deegaanadaas oo kala qeybqaatay qeybinta mucaawinada.
Sidoo kale gudoomiye Xassan Shiine ayaa si gooni ah raashiin ugudoonsiiyay caruurta agoonta ee aabayaashooda kushahiideen dagaaladii lagu xureynayay deegaanada beesha Biimaal; iyo weliba caruurta iyo hooyooyinkii ka haray qoysaskii dhawaan lagu gubay deegaanadaas.
Mudane xassan shiine ayaa qabtay howl la taaban karo tan iyo markii xilka gudoomiyenimo loo magacaabay.
Ugu danbeyntii gudoomiyayaasha degmooyinka iyo shacabkii lagudoonsiiyay mucaawinadaan ayaa aad ugu mahad celiyay gudoomiye xassan Shiine howsha wacan ee uu u hayo dadka deegaanka.
Dhanka kale Xassan shiine ayaa uballanqaaday dadka deeganka iyo gudoomiyayaasha degmooyinka in gargar badan lasoo gaarsiin doono deegaanadaan il gaar ahna ay u yeelandoonaan hadii ay yihiin madaxda deegaanka
Kaamirada Muurinews.com