Waxaa saakay Xaflad xil wareejin ay ka dhacday Degmada Marka ee gobolka shabeelaha hoose, Xafladaas oo ay xilalka kukala wareegayeen taliyihii hore ee AMISOM ee gobolka shabeelaha hoose iyo taliyaha cusub ee dhawaanahan lasoo magacaabay.
Waxaa xafladda ka soo qeybgalay oo lagu casuumay in ay goobjoog ka ahaadaan Gudoomiye ku xigeenka gobolka shabeelaha hoose xagga Maamulka iyo siyaasadda, gudoomiaha degmada Marka, gudoomiye ku xigeenka degmada Marka iyo wasiiro katirsan maamul goboleedka koonfurgalbeed Soomaaliya.
Dhanka kale, waxaa iyana lagu casuumay oo goob joog ka ahaa odayaasha degmada Marka.
Xafladda xilwareejinta ayaa waxaa hadalo ka jeediyay labada taliye; taliyaha xilka warejinayo Col.Amoulo ayaa aad u amaanay dadka deegaanka iyo masuuliyiinta degmada waxa uuna kula dardaarmay Taliyaha cusub in uu wada shaqeyn buuxa layeesho masuuliyiinta, odayaal dhaqameedka iyo guud ahaan shacabka degmada Marka.
Xafladda ayaa ku soo dhamaatay jawi nabadeed iyo buuq la’aan, iyadoo dadka deegaanka ay ballan qaadeen in ay wada shaqeyn dhab ah la yeelan doonaan taliyaha cusub