Maleeshiyaadka Al Shabaab Warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa baahiyay Wareysi la sheegay in laga qaaday ninkii ka dambeeyay weerar dad badan ku dhinteen oo dhawaan ka dhacay afaafka hore ee Dekadda magaalada Muqdisho.
Al Shabaab ayaa sheegtay Weerarka ka dhacay Dekadda Muqdisho uu fuliyay nin naftiis hore ahaa oo lagu magacaabo Khaalid Xuseen Muxamed oo ku magac dheer (Garaad) , ninkan ayaana ku dhashay magaalada Garawe ee xarunta Puntland.
Garaad ayaa la sheegay Weerraka uu fuliyay in uu ahaa mid ismiidaamin ah uu u adeegsaday gaari weyn oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxa ayna sheegeen Al Shabaab in weerarkaasi la beegsaday saldhig booliis oo kuyaala kasoo horjeedka Dekadda Muqdisho.
Wareysiga uu bixiyay ninkan kahor inta uusan is qarxin ayuu ku sheeay in uu doonayo in uu dhinto uuna is qarxiyo, waxa uu intaa raaciyay in aabihiis horey u dhintay isaga oo dagaal kula jira ciidamada Shisheeye.
Warkan kasoo baxay Al Shabaab ayaa kusoo aadaya xili habeen hore Hay’ada Nabad Sugida soo bandhigtay nin ay sheegtay in uu ahaa darawalkii waday gaarigii ku qarxay Dekadda Muqdisho, ninkan ayaana lagu soo qabtay howlgal gaar ah oo laga fuliyya Shabeelaha Hoose.