Taliyaha Ciidanka Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Degmada Warsheekh ayaa ka hadlay dagaal ka dhacay degmadaasi oo ay ku geeriyoodeen 4 Askari oo labo kamid ah ay ahaayeen Saraakiishii kala hoggaamineysay laabda Ciidan.
Sidoo kale waxa uu taliyaha intaas ku daray in Xiisada sababtay gacan ka hadalka ay Maalmihii la soo dhaafay ay ka jirtay degmada warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe islamarkaana ay wax ka qaban waayeen.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan meleteriga ay isku khilaafeen Bar-koontorool ay halkaas ku lahaayeen oo ay ku qaadaan lacag.
Dagaal u dhaxeeyo Ciidamo ka wada tirsan meleteriga Somaaliya ayaa Maanta ka dhacay qeybo kamida degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha dhexe.