Kooxda Barcelona iyo Athletic Club ayaa mar kale caawa ku dagaalami doona koobka Copa del Rey, iyadoo kooxda Catalans ay raadineyso inay dhanka kale u rogto guuldaradii 2-1 ee soo gaartay lugtii horre si ay ugu gudbaan wareega 8da.
Kulan kale oo xamaasad lahaa ayaa dhexmaray labada kooxood isbuucii la soo dhaafay, waxaana la filayaa in kulanka lugta labaad ay xamaasad sidaas oo kale ah yeelato iyadoo labada kooxood ee ugu guulaha badan tartankaan ay si fool ka fool ah isku wajahayaan.
Jaspaer Cillessen ayaa dib uga soo laabtay dhaawac muruqa kubka ah oo soo gaaray 30kii bishii December, waxaana goolhayaha reer Holland uu tababarka ku soo laabtay shalayto oo Talaado aheyd.
Iyadoo ay Barcelona u tahay kulan ay ku qasban yihiin inay badiyaan, tababare Luis Enrique ayaa ku faraxsan inuu heysto koox wada taam ah oo uu shaxdiisa ka soo xulan karo.
Laakiin kooxda martida ah ee Athletic Club waxaa dhaawacyo kaga maqan Oscar de Marcos, Yeray Alvarez iyo ager Aketxe, Athletic waxaa sidoo kale dhaawac halis ah kaga maqan goolhayahooda Kepa kaasoo dhaawac muruqa ah uu ka soo gaaray kulankii horyaalka ee ay la dheeleen Alaves.
Waxaa intaas sii dheer tababaraha Athletic waxa uu ka walwalsan yahay taam ahaanshaha Inaki Williams kaasoo xumad darteed tababar u qaadan waayay shalayto. Dhanka kale Raul Garcia iyo Ander Iturraspe ayaa seegaya kulankaan ka diub casaanadii ay qaateen lugtii 1aad