Liverpool ayaa booqanaysa kooxda Southampton ee kulanka lugta h–e ee Leaque Cupka waxayna Reds kulankan ciyaaraysaa iyada oo doonaysa in ay xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah soo gaadho finalka Wembley Stadium ee Leaque Cupka oo ay xili ciyaareedkii h–e rekoodhayaal ugu wayday Manchester City. Liverpool oo markale jadwal cidhiidhi ah gali doonta ayaa Southampton la ciyaaraysa ka hor inta ayna kulanka xili ciyaareedkeeda ugu wayn booqan Old Traffrod.
XOGTA KULANKA:
TARTANKA: Afar Dhamaadka EFL Cupka
KULANKA: Southampton Vs Liverpool
GAROONKA: St Mary’s Stadium
WAQTIGA: 10:45 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika
Liverpool ayaa Southampton booqanaysa iyada oo haysata xusuustii xili ciyaareedkii h–e ee ay 6-1 ugu soo xasuuqday Saints isla kulankii Leaque Cupka laakiin kooxda Klopp ayaa sidoo kale maanka ku haysa dhibaatadii xili ciyaareedkan ka soo gaadhay St Mary’s ee kulankii Premier Leaque-ga iyaga oo bishii November babraro gool la’aan ah ku kala baxay.
Kooxda Southampton ayaan finalka Leaque Cupka soo gaadhin tan iyo sanadkii 1979 kii markaas oo ay kooxda Nottingham Forest guul ka gaadhay si ay finalka tartankan markii ugu danbaysay u gaadhay laakiin Liverpool ayaaba doonaysa in ay xili ciyaareedkii labaad oo isku xigay ay u soo baxdo finalka tartankan.
WARARKA LABADA KOOXOOD EE KA HOR KULANKAN:
Southampton waxaa kulankan ka maqnaan doona kabtankooda Jose Fonte kaas oo kooxdiisa u gacan galiyay warqada uu ku dalbaday in uu iska baxo sidaa daraadeed tababare Claude Puel ayaan soo xulan doonin. Fonte ayaa diyaar u ah in uu ka baxo Southampton wuxuuna si lama filaan ah u qoray warqada uu ku dalbaday bixitaankiisa.
Waxaa sidoo kale Saints ka maqnaan doona xidiga khadka dhexe ee ofiane Boufal kaas oo tartanka qaramada Afrika looga saaray dhaawac soo gaadhay.Waxa kale oo Southampton dhaawacyo kaga maqnaan doona kulanka Liverpool xidigaha dhaawacan ee Charlie Austin (garabka), Matt Targett (muruqa), Cedric Soares (madaxa) iyo Alex McCarthy oo dhaawac muruqa ah qaba.
Liiska Southampton: Forster, Van Dijk, Bertrand, Martina, Ward-Prowse, Hojbjerg, Romeu, Taylor, Yoshida, Davis, McQueen, Reed, Long, Sims, Redmond, Rodriguez, Tadic.
Dhinaca Liverpool waxaa kulankan soo laabanaya kubbad sameeyaha ree Brazil ee Philippe Coutinho kaas oo muddo todoba usbuuc ah dhawac kooxdiisa kaga maqnaa wuxuuna diyaar u yahay inuu door ku yeesho kulankan sida uu Klopp xaqiijiyay. Tababare Klopp ayaa dib ugu yeedhan doona xidigaha muhiimka ah ee kooxdiisa kadib markii uu nasiyay kulankii FA Cupka ee ay Reds barbaraha la gashay Plymouth.
Laakiin waxaa la filayaa in uu kulankan seegi doono kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson kaas oo wali laga daawaynayo dhaawac cidhibta ah soo gaadhay kulankii Man City wuxuuna tababarka ku soo laabanayaa khamiista si uu diyaar ugu noqon karo kulanka Man United. Laakiin Klopp ayaa dib u heli kara Joel Matip iyo James Milner. Laakiin Sadio Mane ayaan heli doonin fursad uu ugu laabto kooxdiisii Southampton wuxuuna xulka qarankiisa Senegal uga qayb galayaa koobka qaramada Afrika.
Liiska Liverpool: Karius, Alexander-Arnold, Lovren, Klavan, Milner, Can, Wijnaldum, Lallana, Coutinho, Ojo, Sturridge, Firmino, Mignolet, Clyne, Gomez, Moreno, Lucas, Stewart, Ejaria, Origi, Woodburn