Macalinka kooxda Man United Jose Mourinho ayaa sheegay in laga yaabo in weeraryahankiisa Zlatan Ibrahimvic inuu taam u noqdo kulanka kooxdiisa maalinta axada la qaadan doonto Liverpool ee League Cup.
Haatan Zlatan ayaa shaki la galinayaa taam ahaanshiisa kulanka Clasiccada England loo yaqaan ee Liverpool booqan doonto maslaxa riyada Old Trafford, laakiin Jose Mourinho ayaa filaya inuu xiddigiisa dib u helo kulankaas.
Markii la waydiiyey in Zlatan taam u noqon karo kulanka Axada, Jose Mourinho ayaa ku jawaabay “haa waan filayaa sidaas”