Kooxda Everton ayaa si rasmi ah Man United kala heshiisay aduun gaaraya 22 milyan oo ay kula wareegayso xiddiga khadka dhexe ka safta ee Morgan Schneiderlin.
Toffees ayaa mudo badan si dhow loola xiriirinayey inay u dhaqaaqdo kubad joojiyaha reer France oo Walaalo run ah ay noqdeen kursiga kaydka United, isbuucii h-e ayeey ahayd markii laga soo diiday 19 milyan oo ay xiddigaan kula saxiixan kareen.
Haatan The Tellegaraph aya alaga soo xigtay inay heshiis rasmi ah kooxda Everton la gaartay kooxda Manchester United, 22 milyan oo ginni ayeey labada gacmood isku gashteen iyadoona heshiiska si rasmi ah loo dhamaystiri doono 48-da saac ee soo socota.
28 sano jirkaan ayaa xataa hal kulan u safan United xilli ciyaareedkaan iyo weliba inta uu jose Mourinho laylinta United qabtay Premier League, waxana uu mari doona caafimaadka ka hor inta uusan lugu dhawaaqin heshiiskiisa Everton.