Barcelona ayaa u soo baxday sideed dhamaadka tartanka koobka Copa Del Rey ee ay labadii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay ku soo guulaysatay waxaana guushan ka caawiyay Luis Suarez, Neymar JR iyo Lionel Messi oo min hal gool ka dhaliyay kulankii lugta labaad ee Copa Del Rey ee Camp Nou ka dhacay.
Waxayna Barcelona u baahatay in kulankii saddexaad oo xidhiidh ah uu Messi farshaxanimadiisa ku badbaadiyo iyada oo 4:3 celcelis ahaan ugu soo baxday sideed dhamaadka Copa Del Rey.
Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood ee kulankii Camp Nou iyo waliba xidgii garoonka ugu fiicnaa iyada oo qiimaynta ugu sarayse ee uu ciyaartoy hali karaa tahay 10.
XIDIGII GAROONKA UGU FIICNAA: Shaki la’aan Lionel Messi ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa wuxuuna intii ay ciyaartu socotay uu halis joogto ah ku ahaa kooxda martida ahayd ee Bilbao.
Waxa uu door wayn ku lahaa goolka Luis Suarez laakiin saamaynta ugu wayn ee uu sameeyay ayaa ahayd markii uu goolhaye Iraizoz ku qasbay in uu kaliya daawado kubbada shabiqiisa galaysay si uu u qalbi jabiyo jamaahiirta Athletic Bilbao ee rajada ka qabay in ay soo baxaan. Messi ayaa barbareeyay rekoodhkii abid ee goolasha Barcelona loogu dhaliyay laaga xorta ah oo uu 26 gool ku haystay Ronald Koeman oo hadda Everton tababare u ah.
QIIMAYNTA CIYAARTOYDA BARCELONA:
Barcelona (4-3-3):Cillessen 6; Alba 7, Umtiti 6, Pique 7, Roberto 6; Iniesta 7 (Turan, 89, 5 ), Rafinha 6 (Rakitic, 80, 6), Busquets 6; Neymar 7 (D Suarez, 87, 5), Messi 9, Suarez 7.
Badal Aan La Isticmaalin: Ter Stegen, Mascherano, Alcacer
QIIMAYNTA CIYAARTOYDA ATHLETIC BILBAO:
Athletic Bilbao