Waxaa xalayto la soo gabagabeeyay kulamadii 21aad ee horyaalka Premier League iyadoo natiijooyin xiiso leh ay ka soo baxeen, balse halkee lakala marayaan tartanka gooldhalinta horyaalka ee xilli ciyaareedkan oo isna xiiso gaar ah yeeshay.
Diego Costa oo isbuucaan ka hor tartanka gooldhalinta ku hogaaminayay 14 gool ayaan ciyaarin kulankii Sabtidii ay kooxdiisa ka badisay Leicester City ka dib markii ay isku dhaceen tababare Antonio Conte taasoo keentay in laga saaro kooxda.
Waxaana arintaas ay fursad siisay xiddigihii ku soo dhawaa kuwaasoo haatan ku guuleystay inay soo qabtaan xiddiga Chelsea. Alexis Sanchez oo shabaqa soo taabtay kooxda ay Arsenal ka badisay Swansea City ayaa isna yeeshay 14 gool. Waxaa kula soo biiray weeraryahanka Man United Zlatan Ibrahimovic oo isna 14 gool leh ka dib markii uu xalayto dhaliyay goolkii barbaraha ee ay United ku qabatay Liverpool.
Waxaa seddexda xiddig ka danbeeya weeraryahanka Tottenham Harry Kane kaasoo isbuucaan dhaliyay seddexleey kulankii ay 4-0 kaga badiyeen kooxda West Brom, waxaana uu leeyahay 13 gool.
Lukaku oo ka mid ahaa xiddigihii shalayto xasuuqay Manchester City ee kooxda Everton ayaa isna leh 12 gool, waxaa la wadaaga xiddiga Sunderland Jermaine Defoe.
14 gool – Alexis Sanchez, Diego Costa, Zlatan Ibrahimovic
13 gool – Harry Kane
12 gool – Romelu Lukaku, Jermaine Defoe
11 gool – Sergio Aguero
10 gool – Dele Alli
9 gool – Sadio Mane, Eden Hazard