Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa ciyaartoydiisa uga digay iney aadaan dalka Shiinaha xilli la hadal hayo in weeraryahankiisa reer Spain uu kusii jeedo horyaalka lacagaha badan laga qaato ee Chinese Super League.
Costa ayaa laga reebay shaxdii Blues ee wajahay Leicester City, markaas oo ay wiilasha Antonio Conte la’aantiis 3-0 guul ah kusoo gaareen King Power Stadium, sidoo kalana waxaa jiray warar la xiriirinaya Tianjin Quanjian oo ah koox u balan qaaday 30 Malyan Oo Pound sanadkii.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Conte iyo shaqaalaha jirdhiska oo dhinac ah iyo Diego Costa ay shaqaaqo ku dhexmartay xerada tababarka taasna waxey keentay iney sii huraan wararka xidigaan la xiriirinaya Shiinaha, dhanka kalana Jorge Mendes oo ah wakiilkiisa ayaa la sheegay inuu la kulmay koox ka dhisan Shiinaha.
Si kastaba Antonio Conte ayaa carabka ku dhuftay in Costa uu kulankaan ku waayay dhaawac dhabarka kasoo gaaray, wuxuuna ciyaartoydiisa uga digay iney hami ka yeeshaan lacagaha badan ee Shiinaha.
“Lacagta maaha wax walba” Ayuu Conte u sheegay warbaahinta.
“Marka aad u ciyaareyso koox weyn sida Chelsea, waa inaad ku faraxdaa”
“Waxey ila tahay inaan nahay koox weyn, sidoo kalana sharaf weyn ayey noo tahay inaan u ciyaarno chelsea, sababtaas darteed maba arko in China ay qalqal galin karto ciyaartoydeyda”