Halyeyga Liverpool Steven Gerrard ayaa aaminsan in Antoine Griezmann uusa uu doneyn inuu ku biiro Manchester United bishii January sababtoo ah ineysan ka mid aheyn kooxaha ka qeyb galaya tartanka Champions League.
Antoine wuxuu caawa isku diyaarinayaa inuu kooxdiisa u matalo lugta koowaad wareega Semi Finalka copa Del Rey markaas oo ay gurigooda kusoo dhaweynayaan Barcelona, sidoo kalana xidigaan heerka caalami waxey kooxdiisa fadhisaa wareega 16-ka Champions League.
Si kastaba xidigaan heerka caalami ee dalka faransiiska ayaa laba kooxdiisa ay tiigsatay finalka sadexdii sano ee lasoo dhaafay inkastoo isaga uu goob joog u ahaa kaliya May 2016 markaas oo ay San Siro ku lumiyeen kulan rigoore ku dhamaaday oo ay la yeesheen Real Madrid.
Dhanka kale Manchester United ayaa jahawareer ku jirtay sanadahii lasoo dhaafay iyadoo ka qeyb galeysa tartanka Europa League, mana u muuqato Steven Gerrard sabab uu xidigaan uga doorto Champions League kaliya in la ciyaaro Europa League iyo Horyaalka.
“Wuxuu Champions League-ga u matalayaa Atletico Madrid” ayuu yiri Steven Gerrard kaas oo waayahiisa kubadda cagta ku qarash gareeyay Liverpool oo ay aad u xifaaltamaan United.
“Wuxuu helay uu fursad uu ugu tartamo tartankaas, kaas oo ay u tartameen sanadahii lasoo dhaafay”
“Sida cad wuu fakaray, Haa, Manchester United sida la hubo waa dhaqaaq fiican, balse wa wali iney halkaas kasoo muuqato xagaaga”
Jose Mourinho iyo wiilashiisa 15-dhibcood ayey ka hooseyaan hogaanka horyaalka, sidoo kalana waxey joogaan finalka League Cup-ka, halka sidoo kalana ay u tartamyaan Europa League iyo FA Cup.
Ugu dambeyntiina Antoine Griezmann ayaa sii joogi doona Atletico ilaa dhamaadka xagaagan iyadoo lagu qiimeeyo xidigaan aduun dhan 80 Malyan oo Euro.