Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta mar kale kormeer ku tagay Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya oo wali uu ku sugan yahay Madaxweynihii Hore ee Soomaliya Mudane Xasan Shiikh maxamuud.
Kulan qado ahaa oo labada mas’uul ay qaateen ayaa waxaa ku wehlinayay markii dambe Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaliya Pro Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari kaasi oo labada mas’uul kaga warbixiyay isbadalka dalka ka dhacay.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii Hore ee dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ayaa Madaxweynaha cusub warbixin kooban kasiiyay xaaladihii ugu danbeeyay ee dalka waxa uuna ku baraarujiyay inuu sii ambaqaado howlaha Qaran ay horay ay usoo qabatay Dowladiisa 4-tii sano aynu soo dhaafnay.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sidoo kale, Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo uga warbixiyay muhiimadda dowladda cusub iyo fursadaha hor yaalla xiligaan, waxa uuna ku dhiiragaliyay Madaxweynaha cusub ee Soomaliya in Dowladiisu ay xooga saarto Amniga, Cadaalada iyo Horumarka oo qabyo ah.
Dhanka kale gudoomiyaha Golaha shacaka Baarlamanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa Madaxweynaha u sheegay in dowladda cusub ay heysato fursad dalka ay ku nabaddeyn karto, kuna gaarsiin karto hiigsiga 2021-da si dimoqoraadiyad leh.
Gudoomiye maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, waxa uu Madaxweynahihii Hore Xasan Shiikh Maxamuud u sheegay in dhibaatooyinkii heystay Dowladihii hore ay kamid aheyd la shaqeyn la’aan ka heysatay dhanka Shacabka waxa uuna cadeeyay in iminka Dowladaani ay hanatay Shacbiga Soomaaliyeed taa oo suuragalinkarta in Dowladu ay ka hanaqaado halka ay iminka taagan tahay.
Maalinta bari oo Taariikhda ay ku beegan tahay 16-ka bisha February Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya ayaa la wareegi doona taliska Madaxtooyadda Soomaliya si 22-ka bishaan ay u dhacdo xafladda Caleema-saarka.